Arsenal ayaa lagu ganaaxay £65,000 ($82,000) kadib markii la sheegay in ciyaartoydoodu ay u dhaqmeen “si aan habboonayn” markii Myles Lewis-Skelly kaarka cas la siiyay kulankii ay la yeesheen Wolverhampton Wanderers bishii hore.
Lewis-Skelly ayaa casaan toos ah la siiyay daqiiqaddii 43-aad, taasoo ka careysiisay tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, waxaana xigtay in ciyaartoyda kooxda ay hareereeyaan garsooraha ciyaarta, Michael Oliver.
Si kastaba ha ahaatee, Arsenal waxay ku guuleysatay kulankaas 1-0 kadib gool uu dhaliyay Riccardo Calafiori, halka kaarka cas ee Lewis-Skelly la laalay saddex maalmood kadib.
“Baaritaan madax-bannaan oo ay sameysay Guddiga Anshaxa ayaa Arsenal ku xukumay ganaax lacageed oo dhan £65,000 oo la xiriirta kulankii Premier League ee ay la ciyaareen Wolverhampton Wanderers Sabtidii 25-ka Janaayo,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Xiriirka Kubadda Cagta Ingiriiska (FA).
“Waxaa lagu eedeeyay in Arsenal aysan xakameyn ciyaartoydeeda si ay uga fogaadaan falcelin aan habboonayn daqiiqaddii 43-aad, waxaana kooxda ay qiratay eedeyntaas.”