Daafaca Arsenal, Takehiro Tomiyasu, ayaa la soo sheegay in uu dhaawac cusub soo gaaray taasoo laga yaabo inay sababto in uu toddobaadyo kale garoomada ka maqnaado.
Kadib markii uu seddex bilood ka maqnaa ciyaaraha isagoo ka soo kabsaday dhaawac jilibka ah oo soo gaaray xilli ciyaareedkii hore, ciyaaryahanka reer Japan ayaa ugu dambeyn soo laabtay isagoo ciyaaray kulankiisii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedka, markaasoo Arsenal 3-1 kaga badisay Southampton laba toddobaad ka hor.
Tomiyasu ayaa bedelay Thomas Partey lixdii daqiiqo ee ugu dambeysay ee ciyaartaas, inkastoo aan loogu yeerin xulka Japan ciyaaraha isreebreebka Koobka Adduunka 2026 ee bishan ay la ciyaarayaan Australia iyo Saudi Arabia.
Kadib kulankii Southampton wax war ah lagama soo sheegin dhaawaca cusub Tomiyasu soo gaaray, waxaana la filayay inuu ku bilowdo kulanka Bournemouth ee Sabtida.
Si kastaba ha ahaatee, wararka TEAMTalk ayaa sheegaya in Tomiyasu mar kale dhaawac ka soo gaaray isla jilibkii hore, waxaana la sheegay in shaqaalaha caafimaadka Arsenal ay si weyn uga walaacsan yihiin xaaladiisa maadaama uu xanuun ba’an tabanayo.