Inkastoo Gunners ay sameysay rikoorkii ugu fiicnaa ee dhanka daafaca ee Premier League xilli ciyaareedkii hore, ayaa dooneysa inay sii xoojiso daafaceeda dambe inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.
Mikel Arteta waxa uu hadda heeysta Keeyd Shub oo fiica fiican sida Ben White, Jakub Kiwior, Takehiro Tomiyasu iyo Oleksandr Zinchenko oo dhammaantood awood u leh inay daboolaan ugu yaraan laba boos.
Jurrien Timber ayaa sidoo kale ku jira daafacyada dhowrka boos ka ciyaara, laakiin Zinchenko ayaa lala xiriirinaya inuu ka tagayo Emirates Stadium.
Taasi waxay ka dhigeysaa Arteta iyo agaasimaha isboortiga Edu inay suuqa ka raadiyaan magac kale oo caan ah, waxayna u muuqdan imika inay diiradda saareen Calafiori.
Sida laga soo xigtay khabiirka suuqa kala iibsiga ee Fabrizio Romano, Arsenal ayaa u soo bandhigtay xiddiga heerka caalami ee dalka Italy heshiis rasmi ah oo waqti dheer ah.
Markii hore, wararka ayaa tilmaamayay in 22-jirka uu doorbidayo inuu sii joogo Serie A oo uu ku biiro Juventus, haddii ay u soo bandhigaan dalab ku habboon.
Taa bedelkeeda, Romano ayaa sheegay in kooxaha kaliya ee loolanka ugu jira saxiixiisa, sida ay hadda tahay, ay yihiin labada kooxood ee London ka dhisan ee Arsenal iyo Chelsea.
Arsenal ayaan wali wax heshiis ah la gaadhin Bologna iyada oo Corriere dello Sport ay sheegtay in dalab dhan 47 milyan oo euro la soo bandhigay.
Calafiori ayaa laga kaliya 43 jeer ka ciyaaray Serie A intii uu ku jiray xirfadiisa ciyaareed, laakiin waxa ay u muuqataa in uu shaki yar ku jiro inuu sii joogayo Serie A.
Calafiori waxa uu Bologna ku abaalmariyey in ay si lama filaan ah ugu dhammaystaan kaalinta shanaad ee horyaalka Talyaaniga.
Xiddigga Talyaaniga oo ka mid ahaa xiddigihii talyaaniga uga soo muuqday Euro 2024, ayaa sidoo kale ka ciyaari kara dambeedka bidix, taasoo soo jiidasho muuqata u leh kooxaha waaweyn ee doonaya inay ciyaaraan falsafada seddexda daafac ama ay adeegsadaan dookh difaaceed oo dheeri ah.