Caawa habeen weyn ayay u ahey kooxda Mikel Arteta ee Arsenal. Kooxda ayaa u soo baxday wareega sideed dhamaadka Champions League markii ugu horeysay muddo 14 sannadood ah.
Arsenal waxay soo gabagabeysay todoba jeer oo isku xigta oo lagu reebay wareega 16ka Champions League, ugu danbeyna waa ay buriyeen habaarkii ka heystay tartanka.
Kooxda Mikel Arteta ayaa caadka sarre mareysa haatan iyagoo hogaanka u haya horyaalka Premier League islamarkaana ka iska xaadiriyay wareega sideed dhamaadka Champions League, waxayna haatan heystaan seddex isbuuc oo ay u nasanayaan kulanka Man City ee dhamaadka bishaan.
XIDDIGA GAROONKA – DAVID RAYA (ARSENAL)
Martin Odegaard ayaa ahaa xiddigii ugu fiicnaa ee ciyaartoyda dhexda ku jirtay, isaguu isku darsaday madaalenimo, hal abuur iyo hogaamiyenimo. Waxa uu abuuray goolkii kaliya ee ciyaarta iyadoo gool kale laga diiday, laakiin waxaa abaalmarinta xiddiga garoonka ka qaatay goolhaye David Raya oo labo rigoore ka badbaadiyay FC Porto islamarkaana xaqiijiyay in Arsenal ay u soo baxdo wareega 8da.
QIIMEYNTA CIYAARTODYA
Arsenal: Raya 9, White 6, Gabriel 6, Saliba 6, Kiwior 7, Jorgiho 6, Rice 7, Odegaard 8, Saka 5, Havertz 5, Trossard 6.
Bedel: Jesus 6, Nketiah 6, Zinchenko 6.
Porto: Diogo Costa 6, Joao Mario 7, Pepe 8, Otavio 8, Wendell 8, Varela 7, Nico gonzalez 7, Pepe 7, Conceicao 6, Evanilson 7, Galeno 6.
Bedel: Sanchez 6, Taremi 6, Grujic 6, Eustaquio 6, Borges 6.