Arsenal ayaa dagaal adag u geleysa saxiixa xiddiga Sporting Lisbon Ousmane Diomande ka dib markii ay barbareeyeen dalabkii ay Chelsea ka gudbisay daafacaan ka hor suuqa kala iibsiga xagaaga.
Tababaraha Gunners Mikel Arteta ayaa doonaya inuu adkeeyga daaficiisa xilli ciyaareedka soo socda, waxaana uu isha ku hayaan Diomande oo 20 sanno jir ah ka dib wacdarro uu ka dhigay Portugal.
Daafaca dhexe ayaa muhiim u ahaa kooxda Sporting xilli ciyaareedkan waxaana sababta uu dalabyo uga helay Gunners iyo Blues iyadoo ay sidoo kale xiiseynayaan Bayern Munich iyo Newcastle.
Markii hore Chelsea ayaa hogaamineysay ceyrsashada ciyaaryahanka iyagoo ka gudbiyay dalab 60 milyan euro oo u dhiganta 51 milyan ginni.
Sida ay qortay jariirada Portugal ka soo baxda ee Record, Arsenal ayaa barbareysa dalabka kooxda ay xafiiltamaan ee Chelsea ay ka gudbisay daafaca Ivory Coast.
Si kastaba, Sporting waxay Diomande ku qiimeyneysaa 80 milyan euro oo u dhiganta 69 milyan ginni, mana doonayaan inay si dhaqso ah u iibiyaan madaama qandaraaskiisa uu dhacayo 2027ka.
Sidaasi darteed labada kooxood ee Premier League ayaa u baahan inay dalabyadooda sarre u qaadaan si ay u helaan xiddiga Ivory Coast.