Gunners ayaa ahayd kooxda ugu dhow ee Manchester City kula tartamaysay Premier League labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay, waxayna ku dhameysteen kaliya labo dhibcood iyagoo ka dambeeya City xilli ciyaareedkii 2023/24.
Mikel Arteta ayaa si sax ah loogu amaanay dib u dhiska kooxda Arsenal uu ku sameeyay tan iyo markii uu shaqada la wareegay 2019.
Riccardo Calafiori iyo Mikel Merino ayay lasoo saxiixatay Arsenal xagaagii hore si ay u soo afjaraan awooda City ee Premier League.
Laakiin dhibaatadu waxay tahay waxay ku guuldareysteen in ay lasoo saxiixdaan weeraryahan cusub.
Arsenal ay ku dhibtoonaysa dhalinta goolka, waxayna ku jirtaa kaalinta afraad ee kala saraynta Premier League-ga, iyagoo sagaal dhibcood ka hoosaya kooxda hogaanka haysa ee Liverpool.
Sida laga soo xigtay Daily Mail, Arsenal ayaa diyaar u ah inay bixiso 85 milyan ginni oo lagu burburin karo qandaraaska xiddiga West Ham Mohamed Kudus si ay xal kaga dhigaan dhibaatada ka heysata gooldhalinta.
Heshiiskaan ayaa lagu soo waramayaa inuu dhici karo midkood suuqa kala iibsiga ee Janaayo ama xagaaga soo aadan.
Kudus ayaa ku riyaaqay xilli ciyaareedkii ugu horeeyay ee Hammers, isagoo dhaliyay 18 gool tartamada oo dhan ka dib markii uu kaga soo dhaqaaqay Ajax.