Arsenal ayaa u sheegtay kooxda ay ku xifaaltamaan Premier League ee Newcastle United inay diyaar u yihiin inay 100 milyan ginni ku bixiyaan saxiixa Alexander Isak, sida ay wararku sheegayaan.
Gunners ayaa la filayaa inay soo qaadato weeraryahan cusub suuqa xagaaga, iyadoo Mikel Arteta iyo Edu ay si adag ugu shaqeeyeen saxiixa ninka ka tirsan RB Leipzig ee Benjamin Sesko.
21-jirka Sesko ayaa go’aansaday inuu sii joogo oo uu qandaraas cusub u saxiixo Leipzig, Arsenal ayaana warkaas dharbaaxo weyn uu ku noqday.
Arteta ayaa inta badan u isticmaala Kai Havertz lambar 9 been ah, iyadoo Gabriel Jesus uu yahay weeraryahan ku fashilmay inuu helo kalsoonida tababaraha Gunners.
Arsenal kuma dhibtooneyso in ay goolal dhaliso xilli ciyaareedkan, iyadoo wiilasha Arteta ay dhaliyeen 15 gool oo Premier League ah sideed kulan oo ay ciyaareen ka hor kulanka caawa ee Liverpool.
Haatan wararka ka imanaya Spain ayaa sheegaya in Arsenal ‘ay dalab 120 milyan oo euro ah oo u dhigmq (£100m) ku soo qaadaneyso weeraryahanka Newcastle Isak, iyaga oo doonaya in ay ku xoojiyaan weerarkooda suuqa soo socda.
Declan Rice ayaa Gunners kaga soo biiray West Ham xagaagii 2023 aduun dhan 100 milyan oo gini iyo 5 milyan oo dheeri ah, laakiin warbixinta ayaa sheegeysa in Arsenal ay ku qasban tahay inay jabiso rikoorkaas marka ay soo qaadaneyso Isak.