Halyeyga reer England ee Micah Richards ayaa kala saaray saddexda kooxood ee ku tartamaya horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, waxaana uu iskugu soo reebay laba kooxood oo uu sheegay inay illaa dhamaadka dagaallami doonaan, halka kooxda kalena uu u sheegay in aanay wax fursad ah u haysanin.
Micah Richards oo ka hadlayay horyaalka Premier League iyo sida uu noqon doono dhamaadka xilli-ciyaareedka ayaa waxa uu sheegay in Liverpool ay waqti horeba is-dhiibi doonto oo aanay awoodi doonin inay ku guuleysato horyaalka Premier League.
Waxa uu Micah Richards horyaalka siiyey Manchester City oo uu sheegay in Pep Guardiola uu markii lixaad u qaadi doono, isaga oo kulanka Axadda ee Man City iyo Arsenal oo uu sheegay in Gunners ay gacanta sare yeelan doonto.
Micah Richards oo ka jawaabayey su’aal uu weydiiyey Gary Lineker oo ahayd in Liverpool ay ku guuleysan karayo horyaalka ayaa yidhi: “Maya, Liverpool kuma guuleysan doonto horyaalka. Waxay ila tahay in Manchester City ama Arsenal ay midkood qaadi doonto. Waliba, waxay ila tahay in City ay ku guuleysanayso.
“Waxay ku xidhan tahay waxa dhaca Axadda. Haddii Arsenal ay tagto Etihad oo ay guuleysato, iyada ayaa qaadi doonta horyaalka Premier League, laakiin rikoodhka Man City ayaa sidoo kale ah mid cajiib ah.”
Richards waxa kale oo uu sheegay in ciyaartooyo muhiim ah ay ka maqnaan doonaan Man City, waxaanu yidhi: “Manchester Ctiy waxa ka maqan Stones iyo Kyle Walker, Erling Haaland ayaa daalaa-dhacayay inkasta oo la sheegay inuu taam yahay, waxa kale oo aan taam ahayn Akanji iyo Ederson.
“Sidaa daraadeed, waxa aan dareemayaa in Arsenal ay guuleysan doonto, horyaalkana sidaas ayay kuq aadi doonaan haddii ay Axadda guuleystaan.”