Arsenal, Chelsea, Manchester United iyo Tottenham Hotspur ayaa dhamaantood ka dhawaajiyay xiisaha ay u qabaan saxiixa weeraryahanka Bayern Munich Harry Kane horaantii xagaagan. (Fichajes – Spain)
Manchester City ayaa si dhow isha ugu hayn doonta soo laabashada xiddiga khadka dhexe ee Crystal Palace Adam Wharton (Football Insider)
Real Madrid ayaa xoojisay dadaalkeeda ku aadan saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Sociedad Martin Zubimendi ka hor Arsenal. (TEAMtalk)
Antoine Griezmann oo ka tagi kara Atletico Madrid xagaagan,ayaa kooxda reer Spain ay diyaarisay liiska badalkiisa oo loo arko laacibka Inter ee Lautaro Martinez. (Fichajes – Spain)
Daafaca dhexe ee Bayer Leverkusen Jonathan Tah ayaa weli doonaya inuu beeca xorta ah ugu biiro Barcelona xagaaga. (Mundo Deportivo – Spain)
Chelsea ayaa hogaaminaysa tartanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka kooxda Ipswich Town ee Liam Delap dhamaadka xilli ciyaareedkan. (Ben Jacobs)
Bartilmaameedka kale ee Chelsea, waa garabka Athletic Club Nico Williams, oo sodookale lala xiriirinayo Arsenal ( Mirror)
Madaxda suuqa kala iibsiga ee Sacuudi Carabiya ayaa laga cabsi qabaa inay si fudud u adeegsadaan wakiillada Mohamed Salah, iyagoo isku dayaya inay heshiis qaali ah u bandhigaan Liverpool, (The i Paper)
Liverpool ayaa wali ugaarsi ugu jirta sidii ay u xoojin lahayd weerarka xagaagan, waxana ay la xiriirtay wakiilada 24 jirka weerarka uga ciyaara Wolfsburg Mohamed Amoura. (SPORTBILD – Germany)
Arsenal ayaa ku dhow inay heshiis cusub la gaarto weeraryahanka Belgian Leandro Trossard. (TBR Football)