Suxufiga caanka ah ee reer Britain, Piers Morgan, ayaa si toos ah u weeraray tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, isagoo sheegay in kooxda Gunners ay dib u socoto intii uu xilka hayay.
Morgan ayaa hadalkan ku qoray bartiisa X (hore Twitter) kadib guuldarradii 1-0 ee Arsenal kala kulantay West Ham United kulankii Premier League ee dhammaadkii usbuucii hore.
Wuxuu sidoo kale ugu baaqay Arteta inuu joojiyo madax-adayga iyo inuu u saxiixo Arsenal weeraryahan heer caalami ah.
Arsenal ayaa haatan 11 dhibcood ka dambaysa hogaamiyeyaasha horyaalka, Liverpool, kadib guuldarradii ka soo gaartay West Ham.
Morgan ayaa X ku soo qoray:
“Mikel Arteta… haatan dib ayaan u soconaa intii aad xilka haysay sababtoo ah diidmadaada aan la fahmi karin ee ah inaadan la saxiixan weeraryahan heer caalami ah.”
“Si aad maskaxdaada u toosiso, waxaan u baahan-nahay xiddigo tayo sare leh. Sidaas darteed, Fadlan, jooji madax-adaygga oo keen kooxda weeraryahan.”
Xiddigaha uu Morgan tilmaamay waxaa ka mid ah Thierry Henry, Robin van Persie, Ian Wright, Pierre-Emerick Aubameyang, Nicolas Anelka iyo Dennis Bergkamp – dhammaan waa weeraryahanno Arsenal uga ciyaaray waqtiyo kala duwan.