Newcastle United ayaa ka noqotay damaceedii ahaa inay la saxeexato goolhayaha Arsenal ee Aaron Ramsdale oo 25 jir ah. Waxa ay hadda doonayaan inay helaan goolhaye ay da’diisu ka yar tahay intaas. (Mail)
Arsenal iyo Tottenham ayaa ku tartamaya weeraryahanka Newcastle iyo xulka qaranka Sweden ee Alexander Isak oo lagu qiimeeyey £100 milyan oo Gini. Newcastle ayaa ka fiirsanaysa inay iibiso laacibkan si ay uga badbaaddo in lagu rido ganaax la xidhiidha jabinta sharciga dhaqaalaha. (Sun)
West Ham ayaa loo sheeay inay bixiso ugu yaraan £60 milyan oo Gini, haddii ay doonayaan inay la saxeexdaan 22 jirka khadka dhexe uga ciyaara Everton iyo xulka Belgium ee Amadou Onana. Waxa hore u doonayey oo ay West Ham ku qabsatay Onana oo lagu naanayso ‘Yaya Toure cusub’ kooxaha Arsenal iyo Barcelona. (Football Insider)
Manchester City ayaa la filayaa in ay ogolaato in khadka dhexe ee reer England ee Kalvin Phillips oo 28 jir ah uu si rasmi ah ua tago xagaaga, balse naadiyada doonaya waa inay bixiyaan £30 milayn oo Gini. (Mail)
Arsenal iyo Newcastle ayaa u diray masuuliyiin soo daawada weeraryahanka FC Porto ee Evanilson oo ah 24 jir u dhashay waddanka Brazil kulamadii kooxdiisa ee toddobaadkan, kaas oo ay koox walba doonayso inay la saxeexato. (HITC)
Tababaraha Brighton ee Roberto De Zerbi ayaa ka mid noqday liiska saddexda tababare ee ay Bayern Munich kala dooranayso si uu midkood ugu beddelo Thomas Tuchel. (Times)
Liverpool, Tottenham iyo AC Milan ayaa ku daaallamaya saxeexa difaaca Fulham ee Tosin Adarabioyo oo ah 26 jir u dhashay Ingiriiska oo si xor ah lagu heli karayo xagaaga. (Sun)
Garabka weerarka reer Uruguay ee Facundo Pellistri oo 22 jir ah, ayaa ka tegi doona Manchester United xagaaga, kaddib markii uu awoodi waayey inuu ka mid noqdo kooxda koowaad tan iyo sannadkii 2020 oo uu yimid Old Trafford. (Mirror)
Real Madrid waxa ay qiimaynaysaa suurtogalnimada helista difaaca midi ee Chelsea iyo England ee Reece James, laakiin waxa ay ogsoon tahay inay adag tahay in ay si fudud ku heli karaan maadaama uu laacibkani dhowaan saxeexay heshiis cusub oo afar sannadood ah. (Fichajes)
Difaaca Barcelona ee Marcos Alonso oo 33 jir ah ayaa go’aansaday inuu iskaga tago kooxdaas xagaaga. Waxa kale oo la filayaa inuu kooxdan ka tago khadka dhexe ee Sergi Roberto oo cimrigiisa oo dhan kusoo qaatay Camp Nou. Labadooduba bilaash ayay ku bixi doonaan. (Fabrizio Romano)
Xiddiga reer Brazil ee Neymar oo 32 jir ah ayaa qorshaynaya inuu dib ugu laabto waddankiisa Brazil oo uu u ciyaaro kooxda Santos marka la gaadho sannadka 2025 oo uu dhamaad noqonayo qandaraaskiisa kooxda reer Saudi Arabia ee Al-Hilal. (Goal)
Barcelona waxa ay ka noqotay qorshaheedii ahaa inay la saxeexato dheemanka reer Brazil ee Estevao Willian oo ah 16 jir lagu naanayso Messinho, arrintan ayaa waxa ay ka farxinaysaa Chelsea, PSG, Man United iyo Real Madrid oo si weyn u doonaya. (Sport)