Arne Slot oo ka hadlay garsooraha iyo ciyaarta barbarahii 3-3 ee Liverpool iyo Newcastle United.
Arne Slot ayaa diiday inuu dhaliilo garsooraha Andy Madley kaddib markii kooxdiisa Liverpool ay barbaro 3-3 la galeen Newcastle United, ciyaar aad u adag oo waalli aheyd.
Kadib markii Alexander Isak uu goolka koowaad u dhaliyay kooxdiisa, Curtis Jones ayaa goolkaas u barbareeyay Liverpool. Mohamed Salah ayaa labo gool u dhaliyay Reds kaddib goolkii Anthony Gordon, taasoo Liverpool ku hogaamisay 3-2 ilaa daqiiqadihii dhimashada markii Fabian Schar uu Newcastle u keenay barbaraha goolka dambe.
Slot oo ciyaarta kaddib hadlay ayaa yiri:
“Guud ahaan uma aanan arkin inaan xadka dhaafnay. Waxaa jiray daqiiqado aan dareemaynay inaan helno laad xor ah iyo kuwa Newcastle dareemeen inay iyagu xaq u leeyihiin.
“Arrimahan had iyo jeer way dhacaan gaar ahaan marka ciyaar adag oo ay isbeddello badan ku jiraan la ciyaarayo. Dareenku ayaa kaca, oo ma aha oo kaliya taageerayaasha, laakiin annaga sidoo kale. Ma u maleynayo in garsooruhu wax saameyn ah ku yeeshay natiijada maanta.”