Tababaraha Liverpool, Arne Slot, ayaa sharraxay go’aankiisa uu ku doorbiday goolhaye Caoimhin Kelleher inuu ku bilowdo final-ka Carabao Cup halkii uu ciyaari lahaa Alisson, isaga oo sheegay in go’aankaasi uusan adkeyn.
Kelleher, oo 26 jir ah una dhashay Ireland, wuxuu noqonayaa goolhayaha koowaad ee Liverpool ee final-ka Carabao Cup saddex sano oo xiriir ah, ka dib markii uu door muhiim ah ka ciyaaray guulihii ay Reds ka gaareen Chelsea sanadihii 2022 iyo 2024.
Kelleher wuxuu ciyaaray kulammada oo dhan ee Carabao Cup xilli-ciyareedkan, marka laga reebo guuldarradii lugta hore ee semi-finalka ee ay kala kulmeen Tottenham. Waxa uu sidoo kale bandhig wanaagsan sameeyay xilli hore oo xilli-ciyareedka markii Alisson uu dhaawacnaa.
Alisson, oo uu Slot ku tilmaamay “kan ugu wanaagsan adduunka” kadib guushii Liverpool ee Paris Saint-Germain, ayaa kursiga keydka fadhiisanaya, iyadoo tababaraha reer Holland uu doonayo inuu ku guuleysto koobkiisii ugu horreeyay ee England marka ay la ciyaarayaan Newcastle oo uu hogaaminayo Eddie Howe.
Slot oo la hadlayay Sky Sports ayaa yiri: “Ma ahayn go’aan adag. Kaliya hal mar ayaan ciyaarsiiyay Alisson [Carabao Cup] markaas oo uu muddo maqnaa, wuxuuna u baahnaa waqti ciyaareed si uu mar kale ugu soo laabto heerkiisii fiicnaa [lugtii hore ee Tottenham].
“Dhammaan kulamadii kale, mar walba waxaan ciyaarsiinay goolhayaha labaad. Caoimhin wuxuu si aad ah noogu fiicnaaday kulamada noocaan, waana sababta uu isaguna ugu qalmo final-kan inuu safto”