Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay indhaha ku hayso da’yarka aadka loo qiimeeyo ee Daniel Svensson, oo ah daafaca bidix ee Swedish ah.
Daafacaan oo ka mid ah kooxda Danish Superliga ciyaarta ee FC Nordsjaelland ayaa soo jiitay indhaha kooxo badan oo yurub ka dhisan.
Daafacan 22-sano jir ah oo dhawaan u saftay xulka qaranka Sweden ayaa waxaa isha ku haya kooxo badan oo Premier League ka dhisan oo ay kujiraan Manchester United iyo Arsenal.
Sida laga soo xigtay TEAMtalk, xiisaha Liverpool ayaa laga yaabaa inuu yahay kan ugu halista badan, maadaama ninkaan isku darsaday wax-qabad iyo deganaanta uu taageere weyn u yahay tababare Arne Slot.
Svensson ayaa soo jiitay dareenka kooxaha England, France, Spain, iyo Germany, waxaana Reds markasta ay u aragtaa bedelka Andy Robertson oo aan la hubin mustaqbalkiisa fog ee kooxda.
Waa kuma Daniel Svensson?
Socdaalka Daniel Svensson uu ku noqday mid ka mid ah daafacyada loogu daawashada badan yahay Yurub ayaa ka bilowday Sweden, gaar ahaan akadeemiyada Brommapojkarna, halkaas oo uu ka soo bilaabay xirfadiisa.
Wuxuu u dhaqaaqay Nordsjaelland 2020 wuxuuna si dhaqso ah ku noqday mid kamid ah daafacyada ugu muhiimsa kooxda.
Sanadihii la soo dhaafay, waxa uu muujiyay karti badan, kama ciyaaro kaliya daafaca bidix laakiin sidoo kale khadka dhexe, daafaca midig iyo xitaa daafaca dhexe ayuu ka ciyaari karaa.