Kooxda Liverpool ayaa la kulantay dhabar jab weyn ka hor final-ka Carabao Cup ee ay la ciyaari doonaan Newcastle United, kadib markii Trent Alexander-Arnold uu dhaawac kaga baxay kulankii Paris Saint-Germain ee Champions League.
Liverpool ayaa habeenkii Talaadada laga reebay Champions League kadib guuldarro rigoorooyin ah oo ay kala kulmeen PSG, taasoo u gudubtay wareegga siddeeda, halka ay la ciyaari doonto Aston Villa ama Club Brugge.
Alexander-Arnold ayaa garoonka ka baxay daqiiqaddii 73-aad kadib markii uu jilibka dhaawac ka soo gaaray intii uu isku dayayay inuu Vitinha ka hor istaago kubbad. Daafaca reer England ayaa la siiyay daryeel caafimaad ka hor inta uusan booskiisa u buuxin Jarell Quansah.
Liverpool waxay sidoo kale lumisay Ibrahima Konaté waqtigii dheeraadka, isagoo sii wadan kari waayay ciyaarta, waxaana lagu beddelay Endo Wataru.
Iyadoo final-ka Carabao Cup uu shan maalmood uun ka harsan yahay, Arne Slot ayaa xaqiijiyay in Alexander-Arnold ay suuragal tahay inuu seego final-ka Wembley markii labaad oo xiriir ah.
Slot ayaa shir jaraa’id kadib ciyaarta ka sheegay: “Waa inoo dhibaato weyn in uu dhaawacmay Trent, waana calaamad aan wanaagsaneyn marka ciyaaryahan uu ciyaarta ka baxo. Dadka arkay muuqaallada dhaawaciisa waxay sheegeen inuusan u muuqan mid wanaagsan, sidaas darteed aad baan ula yaabi lahaa haddii uu diyaar noqdo Axadda.”
Dhanka kale, Slot wuxuu rajo ka muujiyay in dhaawaca Konaté uusan ahayn mid halis ah, isagoo sheegay in daafaca uu la tacaalayay daal badan intii lagu jiray waqtigii dheeriga. “Waa inaan sii xaqiijinnaa, laakiin aniga waxay ila tahay in Ibou uu u badnaa daal badan halkii ay dhaawac dhab ah ka ahaan lahayd,” ayuu yiri Slot.
Alexander-Arnold wuxuu sidoo kale seegay final-kii Carabao Cup ee xilli ciyaareedkii hore, markaasoo Liverpool ay guul ka gaartay Chelsea oo ay ku garaacday Wembley.