Arne Slot ayaa bixiyay warbixin ku saabsan dhaawaca Federico Chiesa oo uu ku tilmaamay “mid ka fog xaalad fiican” iyadoo uu weli la tacaalayo arrimo caafimaad tan iyo markii uu u saxiixay Liverpool xagaagii.
Slot ayaa sheegay inuusan weli ka walwalsaneyn dhibaatooyinka joogtada ah ee dhanka taam ahaanshaha ee Chiesa, balse qirtay in xaaladda xiddiga reer Italy aysan “mid wanaagsan” ahayn. Tababaraha Liverpool ayaa hadda rajeynaya in weeraryahanka uu diyaar u noqon doono ciyaarista kadib fasaxa caalamiga ah ee soo socda.
Chiesa ayaa kaliya hal kulan ku bilowday tan iyo markii uu kaga soo biiray Reds kooxda Juventus heshiis qiimihiisu yahay £12m bishii Agoosto. Waxa uu ciyaaray 59 daqiiqo oo kaliya kulankii ay 5-1 ku dubteen West Ham United ee Carabao Cup 25-kii Sebtembar, ka dib markii uu daqiiqadihii ugu dambeeyay soo galay kulankii ay 3-1 kaga badiyeen AC Milan ee Champions League isbuucii ka horreeyay.
“Way adag tahay inaan helno isu dheelitirnaan sax ah si aan u gaarsiino heerka aan dooneyno, laakiin waan isku dayeynaa, isaguna wuu dadaalayaa si uu heerarkaas u gaaro.
“Markii uu gaaro heerkaas jismi ahaaneed, waxaan ka faa’iideysan doonnaa xirfaddiisa. Wakhtigaan, waxaan filaynaa inuu soo laabto inta lagu jiro fasaxa caalamiga ah kadibna uu noqon doono mid taam ah kadib fasaxa caalamiga ah.”**