Manchester City ayaa waayaheedii ugu xumaa ee Pep Guardiola la xaqiijiyay inay gashay, iyadoo 2-1 ay ku garaacday Brighton caawa.
Muwaadiniinta ayaa ciyaarta soo galay iyagoo laga badiyay seddexdii kulan ee ugu dambeysay tartamada oo dhan, waxaana ay u baahnaayeen in ay ceeb afar guuldarro xiriir ah ka ilaaliyaan Guardiola, laakiin ma dhicin.
Sooyaalka taariikhda xumida loo qoray kooxda, waxa ay ku bilaabatay guuldarradii EFL Cup ay kaga reebtay Tottenham Hotspur, ka hor inta aysan 2-1 ku garaacin Bournemouth Premier League isbuucii hore.
Bartamihii isbuucii hore, haddana waxaa 4-1 ku garaacday Sporting CP kulan ka tirsan Champions League.
Ka hor xili ciyaareedkaan hal olole lagama badin tartamada oo dhan afar kulan oo xiriir ah inta uu joogo Guardiola kooxda Man City.
Kadib dhamaadka ciyaarta taageerayaasha ayaa ku madeystay waxa qabsaday Guardiola iyagoo waliba ku jees jeesaya.
Midkii ugu xumaa ayaa usoo qoray waligaa waad necbeyd guuldarrada ee ka orod hadda Man City sidii aad kooxihii hore ku sameysay.
Mid kale ayaa kusoo qoslay oo yiri” oh” Guardiola caawa amuu baxaa oo uu shaqada isaga tagaa.
Taageerayaasha Man City ayaa niyad jab xoogan u dareensan xaalada quusta ah ee kooxdooda kadib afar guuldarro xiriir ah oo soo gaartay.