Arsenal ayaa lala xiriirinayaa inay u dhaqaaqdo saxiixa cajiibka ah ee Real Madrid Arda Guler. Kaasoo kusoo bixi kara nidaamka Arteta.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Turkiga ayaa ku biiray Los Blancos sanad ka hor markii uu kaga dhaqaaqay Fenerbahce, laakiin waxa uu ku dhibtooday inuu saameyn degdeg ah ku yeesho kooxda Carlo Ancelotti.
Wararku waxay sheegayaan in kooxda ka dhisan Bernabeu ay diyaar u tahay inay amaah ku fasaxdo xiddiga suuqa kala iibsiga Janaayo, waxaana heshiiskiisa aad ugu dhaw Arsenal.
Arda Guler oo sidee kaga faa,iideysa kartaa Arsenal?
Arsenal ayaa raadineysa weeraryahan xoogan oo kooxda caawiya, Bukayo Saka ayaa hadda ah ninka uu ku tiirsan yahay weerarka Gunners.
Gunners ayaan wali helin xiddig taageero garabka England, waxaana loo arkaa in Arda Guler uu kusoo bixi karo nidaamka weerarka Arsenal.
Marka la eego xiriirka soo jireenka ah ee u dhaxeeya Arsenal iyo Real Madrid, waxaa la saadaalinayaa in Guler uu raaci doono wadada Odegaard oo markii hore amaah lagu siiyay Arsenal ka hor inta aan si rasmi ah looga iibin.