Caradii uu Andy Robertson u qaaday garsoore David Coote ayaa markale soo cusboonaatay.
Dhacdo dhacday 2020-kii ayaa mar kale soo shaac baxday kaddib markii PGMOL ay ganaaxday garsoore Coote, kadib markii la sheegay inuu aflagaaddo u jeediyay Jurgen Klopp iyo kooxda Liverpool.
Khilaaf dhex maray daafaca bidix ee Liverpool, Andy Robertson, iyo garsoore David Coote ayaa dib u soo muuqday, kaddib markii garsoorahan ganaax lagu soo rogay.Muuqaal faafay ayaa muujiyay isaga oo hadallo aflagaado ah ku sheegay Liverpool iyo tababare Klopp.
Muuqaalka la faafiyay ayaa muujinaya Coote oo da’diisu tahay 42 sano, isaga oo adeegsanaya hadallo cay ah, kuna eedeynaya Liverpool iyo Klopp kibir, gaar ahaan kulankii barbaraha 1-1 ay la galeen Burnley bishii Luulyo 2020.
Muuqaal lagu shaaciyay BT Sport, oo hadda loo yaqaan TNT Sports, ayaa markale dib loo faafiyay.Muuqaalka ayaa muujinaya Klopp iyo Robertson oo si caro leh uga falcelinaya markii garsoore Coote uu diiday in Liverpool loo dhigo rigoore.
Robertson ayaa ku qeyliyay garsoorayaasha markii uu Johan Berg Gudmundsson uu khalad ku galay: “Sidee ayay tani u noqon weyday rigoore? Maxay faa’iido leedahay VAR? Maxay faa’iido leedahay inaad adigu halkaan joogto? Sug waad arki doontaa.”
Coote ayaa maamulayay kulankii Liverpool ay 2-0 kaga badisay Aston Villa usbuucii hore.