Goolhayaha Manchester United Andre Onana ayaa daaha ka rogay in kooxaha Arsenal iyo Chelsea ay xiiseynayeen saxiixiisa ka hor inta uusan u wareegin Old Trafford.
Onana, oo 28 jir ah, ayaa xagaagii hore ku biiray Manchester United kadib markii uu hal xilli ciyaareed ku qaatay Inter Milan, isagoo kooxda Talyaaniga kaga soo dhaqaaqay heshiis ku kacayay £47.2 milyan.
Kahor inta uusan u wareegin Serie A, Onana wuxuu lix xilli ciyaareed ku sugnaa Ajax, halkaas oo uu kula guuleystay saddex horyaalka Eredivisie ah.
Si kastaba ha ahaatee, goolhayaha xulka Cameroon ayaa shaaca ka qaaday in kooxaha Arsenal iyo Chelsea ay ka mid ahaayeen naadiyada diiwaan galiyay xiisahooda intii uu ka tirsanaa kooxda reer Holland.
Mar uu wareysi siinayay Le Media Carré, Onana ayaa sheegay: “Waxaan helay dalabyo kala duwan oo ka yimid kooxaha Monaco, Nice, Atletico Madrid, Arsenal iyo Chelsea.”