Tababaraha cusub ee United, oo laba guul gaaray midna barbaro galay saddexdii kulan ee uu ugu horeysay ee uu hogaaminayay Man Utd, ayaa ka hadlay sida uu ugu faraxsan yahay soo dhaweynta uu helay tan iyo markii uu bedelay Erik ten Hag oo la ceyriyay.
Tababarihii hore ee Sporting Lisbon, oo ka hadlayay shirkiisa jaraa,id ee ka horeeya kulanka Arbacada ee Arsenal, ayaa sheegay in taageerada loo hayo isaga ay ka dhigtay mid aan murug dareemin bilowga waayihiisa Man Utd.
Amorim waxa uu sheegay intii lagu jiray shirkiisa jaraa,id in uu rajaynayo in Leny Yoro uu markii ugu horaysay ka mid noqdo kooxda Man United kulanka Arsenal oo kaalinta 2-aad kaga jirta horyaalka premier League.
Daafaca 19 jirka ah ee reer France ayaa lala soo saxiixday bishii July, laakiin waxa soo gaaray dhaawac muddo dheer uu la maqnaa.
Dhinaca kale wuxuu ka hadlay Amorim dhaawaca Bruno Fernandes ee kooxda Man Utd, isagoo yiri majirto wax dhibaato ah oo uu qabo, uma baahna xitaa baaritaan, wuxuu diyaar u yahay kulanka Arsenal.
United oo rikoor xun ku heysata Emirates waxay kujiraan kaalinta 9-aad ee kala sarreynta horyaalka Premier League, iyagoo afar dhibcood ka hooseysa afarta sare.