Tababaraha Man Utd Ruben Amorim oo doonaya inuu sol dallacsiiyo xiddig da’yar ah si uu u xalliyo mid kamid ah boosaska dhibaatada ku haya kooxda ee nidaamka cusub ee 3-4-3.
Amorim ayaa durbaba u muuqda mid sii wadi doona dhaqanka muddada dheer ka jiray Manchester United.
Amorim ayaa si rasmi ah ula wareegay shaqada United Isniintii, inkastoo ay weli dhammaystirnaan la’aan ka jirto arrimaha la xiriira ogolaanshaha shaqadiisa ka hor inta uusan bilaabin tababarka.
Intii uu arrimahaas xallinayay, wuxuu la kulmay ciyaartoyda kooxda, isagoo bilaabay inuu dejiyo shuruudaha tababarka ee Carrington.
Kahor safarka ay ku tagi doonaan Ipswich Town bisha Nofeembar 24, Amorim ma heli doono waqti badan oo uu la shaqeeyo xiddigaha caalamiga ah ee kooxda, maadaama uu doonayo inuu hirgeliyo nidaamka uu jecel yahay ee 3-4-3.
Mid ka mid ah caqabadaha tababaraha 39-jirka ah ayaa ah in qaar ka mid ah xiddigaha United aysan weli la qabsan habkiisa gaarka ah ee nidaamka cusub.wuxuu si aad ah uga walwalsan yahay daafac dambeedka.
Luke Shaw ayaa ka ciyaaray booskan xulka England ee uu hoggaamiyo Gareth Southgate, balse weli kuma soo laaban taam ahaanshihiisii, halka Noussair Mazraoui uu u muuqdo mid ku habboon inuu ka ciyaaro dhinaca midig.
Sida laga soo xigtay wararka, Amorim ayaa indhihiisa ku haya inuu kor u qaado xiddig da’yar oo ka tirsan kooxda da’yarta United si uu u sii wado dhaqanka kooxda ee ah in fursad la siiyo ciyaartoyda da’yarta ah.
Manchester Evening News ayaa sheegaysa in weeraryahanka Bendito Mantato, oo 16 sano jir ah, uu helayo fursad weyn oo uu kaga mid noqdo kooxda koowaad, inkastoo uu da’yar yahay.
Waxaa la sheegay in Amorim uu u arko inuu yahay xulasho suurtagal ah oo xal u noqon kara booska daafac dambeedka.