Ruben Amorim ayaa magacaabay tababarayaal gaar ah si ay ula shaqeeyaan daafacyada, khadka dhexe, iyo weeraryahannada Manchester United.
Tababaraha reer Portugal ayaa xubno ka mid ah shaqaalihiisa u xilsaartay inay si gaar ah ula shaqeeyaan daafacyada, khadka dhexe, iyo weeraryahannada, taas oo ah mid ka mid ah isbeddellada waaweyn ee uu ku sameeyay habkii uu Erik ten Hag uga shaqeyn jiray tababarka kooxda ee xarunta Carrington.
Habka uu Amorim u tababarayo kooxda ayaa loo arkaa mid casri ah marka loo eego hab dhaqameedka ee tababaraha koowaad uu guud ahaan u maamulo tababarka dhammaan kooxda inta ay isku diyaarinayaan ciyaaraha.
Markii uu yimid intii lagu jiray nasashadii caalamiga ahayd, Amorim waxa uu la yimid Carlos Fernandes, Jorge Vital, Adelio Candido, Emanuel Ferro iyo Paulo Barreira oo ka tirsan shaqaalihiisa tababarka, kuwaas oo ku soo biiray Darren Fletcher iyo Andreas Georgson oo ah tababarayaasha kooxda koowaad iyo Craig Mawson oo ah tababaraha caawiya goolhayeyaasha.
Fernandes waa tababare aad ugu dhow Amorim kadib markii uu kala soo shaqeeyay Braga iyo Casa Pia. Vital waa tababaraha goolhayeyaasha, halka Candido iyo Ferro ay yihiin tababarayaasha kooxda koowaad. Waxaa la fahamsan yahay in tababarayaashan ay si gaar ah diiradda u saari doonaan waaxyaha kala duwan ee kooxda.
Dhanka kale, Barreira waa tababaraha waxqabadka jirka ee kooxda United.waxey bilaabeen waxqabadkooda barbarro ay la galeen Ipswich iyo guushii 3-2 ahayd ee habeenkii Khamiista ay ka gaareen Bodo/Glimt tartanka Europa League.