Maamulaha cusub ee Manchester United, Ruben Amorim, ayaa sheegay in shaqadiisa ugu horreysa ee kooxda Premier League ay tahay inuu u sameeyo aqoonsiga kooxda.
Amorim ayaa arrintan ku sheegay waraysigiisii ugu horreeyay ee rasmi ah ee uu bixiyo tan iyo markii uu shaqada bilaabay toddobaadkan.
39-sano jirkaan ayaa bedelay Erik ten Hag, kaasoo shaqada laga ceyriyay ka dib qaab ciyaareed liita oo uu ku bilowday xilli ciyaareedkan.
Ka hor kulankiisa ugu horeeya ee tartan rasmi ah oo uu la ciyaari doono Ipswich Town, Amorim ayaa ka hadlay qorshihiisa kooxda.
“Waxa iigu muhiimsan aniga waa aqoonsiga kooxda, tan iyo maalintii koowaad waxaan ka shaqeynayaa aqoonsigeena, laga bilaabo ciyaarta ugu horeysa waa inaan sidaas sameeyaa.
“Sida loo ciyaaro, sida loo cadaadiyo kooxda naga soo horjeeda iyo waxyaabaha yaryarka ah dhamaan waa muhiim inaan baranaa “ayuu yiri macalinka cusub ee Man Utd.
Haddii aan hal shay sheego, yoolkayga ugu weyn ama hadafkayga koowaad, waa aqoonsiga kooxda,” ayuu yiri Amorim.