Tababaraha Manchester United Ruben Amorim ayaa mar kale iska indhatiray Marcus Rashford, isaga oo ka saaray shaxdiisa wajaheysa kooxda Bournemouth.
Rashford ayaa markii ugu horeysay laga saaray shaxada tababaraha cusub ee United kulankii Manchester derby ee isbuucii hore ka hor inta aan la illoobin markale kulankii bartamihii isbuucii hore ee Carabao Cup oo ay la ciyaarayaan Tottenham Hotspur.
United ayaa si lama filaan ah seddex dhibcood kaga heshay City isbuucii hore, laakiin waxay 4-3 guuldaro ah kala kulmeen Spurs.
Amorim kama uusan qoomameynin inuu iska indhatiro Rashford labadii kulan ee ugu dambeeyay, waxaase layaab noqtay in isagoo diyaar ah markale laga tagay.
Amorim ayaa si bareer ah ugu sheegay Sky Sports ciyaarta ka hor in Rashford looga saaray shaxda sababo la mid ah kuwii hore, wuxuuna iska diiday inuu jiro dagaal isaga iyo xiddigiisa.
Tababaraha reer Portugal ayaa wuxuu markasta diidaa inuu si rasmi ah usoo bandhigo sababta xiddiga garabka ka ciyaara looga tuuray shaxdiisa.
Amorim wuxuu kaliya ku adkeysatay markii la weydiiyo arimahaan” xulashada kuma soo bixin waxaan wax ku qiimeynaa waxqabadka tababarka.