Amorim ayaa maamulay kulankiisii ugu dambeeyay ee Sporting Lisbon habeenkii xalay, wuxuuna xaqiijistay guul 4-2 ah oo ay kaga gaareen Braga oo la hormartay 2-0 qeybtii hore.
39-sano jirkaan ayaa ciyaartoydiisa si weyn ay usoo macsalaameeyay xalay, wuxuuna imaan doonaa Manchester Isniinta maanta ah, taasoo la micno ah si uu isugu diyaariyo kulankiisa ugu horreeya ee United uu ku wajahayo Ipswich Town.
Amorim ayaa ku hogaamiyay Sporting horyaalkoodii ugu horeeyay muddo 19 sano ah intii lagu jiray xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee Jose Alvalade Stadium, waxayna United aaminsantahay in ay magacaawday mid ka mid ah tababarayaasha ugu fiican Yurub.
Xukunka cusub ee Amorim Old Trafford farxad ma dhisi doonaa, maadaama meesha uu ka bixi doono halyeyga sida ku meel gaar ah u mamaulayay kooxda ee Van Nistelrooy, oo afar kulan jaceyl aan xad laheyn qalbiyada ciyaartooyda ku abuurtay.
Inkastoo Van Nistelrooy uu xaqiijiyay inuu jeclaan lahaa inuu dhameystirto qandaraaskiisa labada sano ah ee kaaliyaha tababaraha United, Amorim ayaa keenaya caawiyayaashiisii Sporting xerada tababarka ee Carrington.
Amorim ayaa wax laga waydiiyay Van Nistelrooy shirkiisa jaraa’id ee ugu dambeeyay wuxuuna yiri: “Waxa ku saabsan halyayga kooxda waan xalin doonaa. Shaqo fiican ayuu qabtay. Waa inaan la hadlaa isaga. wax walba waan u sharxi doonaa, aad baan u jecleystay shaqadiisa waana wada hadli doona.
Waxa uu sidoo kale lagu qasbay inuu ka hadlay qaab ciyaareedkiisa 3-4-3 inuu Man Utd ka hir galin doono. “Waan garanayaa sida aan u ciyaari doono bilawga sababtoo ah waan aqaan sida dhismaha kooxda loo bilaabo,” ayuu yiri Macalinka Man Utd.