Saraakiisha Manchester United ayaa u arka weeraryahanka Tottenham Hotspur Son Heung-min inuu yahay bartilmaameed macquul ah, iyadoo 32 jirkaan uu ku dhow yahay lixdii bilood ee ugu dambeeyay qandaraaskiisa Spurs. (GIVEMESPORT)
Indho-indheeyeyaal ka socda Man Utd ayaa dhawaan u daawasho tagay weeraryahanka Porto Samu Omorodion, iyo daafaca bidix ee Francisco Moura. (Daily Mail)
Liverpool ayaa u calaamadeysatay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Torino Samuele Ricci bedelka macquulka ah ee Martin Zubimendi, Ninka talyaaniga ayaa lagu qiimeeyay €60m. (Anfield Watch)
Chelsea ayaa diyaar u ah inay bixiso ilaa €60m si ay ula soo wareegto daafaca dhexe ee kooxda Paris Saint-Germain Willian Pacho. (Fichajes – Spain)
Iyadoo uu ku dhow yahay dhamaadka qandaraaskiisa Man Utd, daafaca dhexe ee Victor Lindelof ayaa lagu wadaa inuu si xor ah ugu biiro Inter. (Fichajes – Spain)
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Juventus Nicolo Fagioli ayaa waxaa doonaya Aston Villa, Fulham, Manchester City iyo Tottenham. 23-sano jirkaan ayaa lagu qiimeeyaa £29m. (TBR Football)
Arsenal ayaa xiriir la sameysay garabka AC Milan ee Rafael Leao si ay ula soo wareegaan suuqa kala iibsiga bisha Janaayo, 25 jirkaan mustaqbalkiisa Serie A lama hubo (Mirror)
Barcelona ayaa isha ku heysa inay lasoo saxiixato ciyaaryahan garabka ka ciyaara sanadka 2025, waxaana ay u aqoonsatay 20 jirka kooxda Orlando Pirates Relebohile mid macquul ah. (SPORT – Spain)
Daafaca dhexe ee kooxda Club Brugge Joel Ordonez ayaa wali diirada wuxuu u saaran yahay labada koox ee Aston Villa iyo Newcastle United ka hor suuqa January. (Diario Expreso – Ecuador)
Man Utd ayaa kula dagaalami doonta kooxaha Real Madrid iyo Liverpool saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Eintracht Frankfurt ee Hugo Larsson. 20-sano jirkaan ayaa loo ogolaan karaa inuu ku baxo ku dhawaad €50m (Sky Germany)
Napoli ayaa kaga hormartay Chelsea, Tottenham iyo West Ham tartanka loogu jiro saxiixa daafaca bidix ee Lecce Patrick Dorgu. (La Gazzetta dello Sport – Italy)