Manchester United ayaa ku qasbanaan doonta inay garaacdo Tottenham haddii ay dooneyso in ay gaarto semi-finalka Carabao Cup iyadoo uu maqan yahay Marcus Rashford.
Kadib guul soo laabasho ah oo ay ka gaareen kooxda ay xifaaltamaan ee Manchester City, Red Devils ayaa ku sugan London si ay ula kulmaan Tottenham Hotspur wareega 8da Carabao Cup.
Guul ay ka gaaraan Spurs waxay Manchester United keeni doontaa inay kula biiraan Arsenal, Newcastle United iyo Liverpool semi-finalka.
Ciyaartii labaad oo xiriir ah, maamulaha Portugal ayaa ka saaray shaxdisia Rashford. Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaa la tuuray kulankii Manchester derby sidoo kale shaxda caawa kuma jiro.
Go’aanka Amorim ayaa yimid ka dib markii Rashford uu faafiyay hadalo qarsoodi ah oo ku saabsan mustaqbalkiisa kooxda.
27-jirka ayaa sheegay inuu doonayo tartan cusub, waxaana uu hadalkiisa markale ku muteystay ganaax looga saaray kooxda.
Amorim ayaa yiri markii wax laga weydiiyay arinta Rashford u maqan yahay caawa” waxaan xushay ciyaartooy kale bedelkiisa wax dhib ah ma jiraan.