Mustaqbalka Christian Eriksen oo la go’aamiyay iyadoo Ruben Amorim qirtay arrin muhiim ah.
Ruben Amorim ayaa Axadda markiisii saddexaad maamuli doona Manchester United malrkii Red Devils ay martigeliso Everton, mana aha oo kaliya garoonka dhexdiisa halka shaqada ka socoto.
Tababaraha cusub ee Manchester United, Ruben Amorim, ayaa durba ku guda jira shaqadiisa cusub, iyadoo hadafkiisu yahay inuu gaaro guushiisii ugu horreysay ee horyaalka Premier League.
Tababaraha reer Portugal wuxuu guushiisii ugu horreysay ka helay Khamiistii tartanka Europa League, markii United ay kasoo laabatay gool lagu hogaaminayay si ay ugu badiso 3-2 kooxda horyaalka Norway ee Bodo/Glimt. Hadda kooxdiisu waxay Old Trafford ku soo dhaweynaysaa Everton Axadda, iyagoo rajeynaya inay kasoo kabsadaan barbarrihii niyad-jabka lahaa ee 1-1 ahaa ee todobaadkii hore ay la galeen Ipswich Town.
Manchester United waxay go’aansatay inaysan u soo bandhigin qandaraas cusub khadka dhexe Christian Eriksen, iyadoo Ruben Amorim uusan arkin mustaqbal u furan 32-jirkan xilli ciyaareedka ka dambeeya kan hadda socda.
Xiddiga qaranka Denmark, Eriksen, wuxuu ku soo biiray Red Devils 2022 isagoo xor ah kaddib markii uu ka yimid Brentford, taasoo ahayd kooxdiisii ugu horreysay tan iyo markii uu ku dhacay wadne istaag xagaagii ka horreeyay.
Inkastoo uu muhiim ahaa xilli ciyaareedkii ugu horreeyay, Eriksen wuxuu waayay booskiisii joogtada ahaa xilli ciyaareedkii hore, mana aha qeyb ka mid ah qorshooyinka muddada dheer ee Amorim.
Qandaraaska Eriksen wuxuu dhacayaa 30ka Juun sanadka soo socda, waxaana la filayaa inuu ku biiro kooxda weyn ee Scottish-ka Celtic, halkaas oo uu ku sugan yahay xiddiga ay isku dalka yihiin Kasper Schmeichel.