Manchester United ayaa raadineysa inay lasoo wareegto xiddiga Bayern Munich Konrad Laimer, iyadoo tixgalinaysa amarka Ruben Amorim oo dalbaday saxiixa ciyaaryahanka.
Amorim, oo 39 jir ah, ayaa ku riyaaqay bilow wanaagsan waayihiisa Man United, isagoo laba guul iyo hal barbardhac helay tan iyo markii uu bedelay Erik ten Hag.
Wuxuu si deg deg ah u kasbaday taageerayaasha Man Utd isaga oo kalsooni badan ka helay maamulka kooxda.
Si kastaba ha ahaatee, Amorim, oo kooxdiisu ay wajaheyso caawa tijaabadii ugu adkeyd marka ay la ciyaareyso Arsenal kulan ka tirsan Premier League, wuxuu dalbaday saxiixii ugu horeeyay.
Red Devils ayaa raadineysa inay iska xoojiso dhowr boos si ay u badbaadiso xili ciyaareedkeeda Premier League.
Sida laga soo xigtay Sky Deutschland, Amorim ayaa ku amray madaxda United inay u keenaan xiddiga Bayern Munich Laimer, kaasoo Bundesliga wacdaro ka dhigay labadii xilli ciyaareed ee u danbeeyay.
Laacibka Laimer ayaa si gaar ah u soo jiitay tababare Amorim, iyadoo 27-jirkaan uu ka ciyaari karo labada boos ee khadka dhexe iyo daafaca midig.
United ayaa la sheegay inay isha ku heyso haatan xaaladiisa Allianz Arena, iyadoo sahmineysa suurta galnimada lagu heli karo suuqa January.