Tababare Amorim waxa uu helay ogolaanshaha shaqo ee Uk, sidaas darteed isaga ayaa hogaamin doona tababarka xerada Carrington markii ugu horeysay beri oo isniin ah.
Waxa kula biiri doona shaqada tababarka dhammaan caawiyayaashiisa marka laga reebo tababaraha kooxda koowaad ee Adelio Candidio uu weli sugayo warqadaha shaqada Uk.
Caawiyaha koowaad Carlos Fernandes ayaa soo xaadiri doona garoonka tababarka ee Carrington berrito, iyadoo ay weheliyaan Emanuel Ferro iyo tababaraha goolhayaha Jorge Vital.
Ciyaartoyda waaweyn ee xerada tababarka looga yeeray maalinta ugu horeysa tababbarka waxaa kamid ah Casemiro, Mason Mount, Antony, iyo Marcus Rashford.
Tababarka Amorim lama oga siduu noqon doono, laakiin waxay rajeynayaan ciyaartooydu in ay si fiican isku baran karaan macalinkooda cusub.
Waqtigii Ten Hag tababarka Manchester United wuxuu ahaa saddex saac oo ay kujirto quraac iyo nasiino, laakiin lama oga in wax laga bedeli doono iyo in tababaraha Portugal dhaqankii hore uu kusii wadi doono ciyaartooydiisa.