Weeraryahanka dhalinyarada ah ee Manchester United, Amad Diallo, ayaa taageerayaasha kooxda u diray farriin culus oo kalsooni leh kadib markii uu saxiixay qandaraas cusub oo uu kooxda ku sii joogi doono ilaa bisha Juun 2030.
Diallo, oo xilli ciyaareedkii hore qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay Sunderland intii uu amaahda ku joogay, ayaa haatan diyaar u ah inuu kooxdiisa hooyo ku caawiyo sidii ay dib ugu soo ceshan lahayd sharafteeda.
Markii uu la hadlayay saxaafadda kadib saxiixa heshiiska cusub, Amad ayaa yiri:
“Xilli ciyaareedkan wuxuu ahaa mid adag, laakiin si buuxda ayaan u aaminsanahay inaan ku jirno wadadii saxda ahayd, waxaana rumeysanahay in mustaqbalka kooxda uu noqon doono mid cajiib ah.”
Wuxuu intaas ku daray:
“Waxaan diyaar u ahay inaan wax walba u huro kooxda si aan uga caawiyo inaan taageerayaasheenna mar kale ku faanno.”
Farriinta Amad ayaa noqotay mid dhiirrigelin leh, iyada oo taageerayaashu ku faraxsan yihiin inay arkaan ciyaaryahanka reer Ivory Coast oo muujiya sida ay uga go’an tahay inuu gacan ka geysto horumarka kooxda.
Amad Diallo, oo lagu tilmaamo mid ka mid ah xiddigaha mustaqbalka ee United, ayaa la filayaa inuu door muhiim ah ka ciyaaro dib-u-dhiska kooxda xilli ciyaareedyada soo socda. Taageerayaashu waxay rajeynayaan inuu kaalin weyn ka qaadan doono sidii kooxda dib loogu soo celin lahaa guulaheeda taariikhiga ah.