Daaficii hore ee Everton iyo Manchester City, Joleon Lescott, ayaa sheegay in weeraryahanka Newcastle United, Alexander Isak, uu doorbidi doono ku biirista Liverpool halkii uu Arsenal u dhaqaaqi lahaa xagaagan.
Isak, oo xulka qaranka Sweden u ciyaara, ayaa xilli-ciyaareedkan lala xiriirinayay kooxaha waaweyn ee Premier League, gaar ahaan Arsenal iyo Liverpool.
Weeraryahanka Newcastle ayaa bandhig cajiib ah sameeyay xilli-ciyaareedkan tan iyo markii uu kooxda kaga soo biiray Real Sociedad xagaagii 2022, heshiis ku kacay €70 milyan.
Isak ayaa dhaliyay 24 gool iyo 5 caawin 33 kulan oo uu u saftay Newcastle tartamada oo dhan xilli-ciyaareedkan. Waxa uu sidoo kale ka caawiyay kooxda inay ku guuleysato Carabao Cup bishii hore, waxaana uu hadda kaalinta saddexaad kaga jiraa gooldhaliyeyaasha ugu sareeya Premier League isagoo leh 20 gool. Waxa uu ka dambeeyaa Mohamed Salah (27 gool) iyo Erling Haaland (21 gool).
Lescott oo ka hadlayay barnaamijka The Dressing Room Podcast ayaa sheegay in Isak uu Liverpool u dooran doono Arsenal.
Wuxuu yiri: “Waxaan maqlay in Arsenal ay xagaagan lacag badan kharash gareyn doonto. Taasi waxba kama beddeli doonto. Isak ma aadayo Arsenal. Taasi waxay noqon doontaa wax lala yaabo.
“Waxaan filayaa in Liverpool ay u dhaqaaqdo. Haddii aan ahaan lahaa Liverpool, waan isku dayi lahaa inaan la soo saxiixdo. Salah ma dhalin doono 30 gool xilli-ciyaareed kasta. Waxay u baahan yihiin qof kale oo la wadaaga shaqadaas, qof dhalin kara 15 ilaa 20 gool.”
Liverpool ayaa lagu wadaa inay la timaado isbedello waaweyn xagaagan, iyadoo la filayo in ciyaartoy badan ay Anfield ka tagaan, kuwaas oo ay ku jiraan Mohamed Salah, Darwin Nunez iyo Luis Diaz.
Sidaa darteed, Liverpool waxay muhiimad gaar ah siin doontaa helitaanka weeraryahan cusub, iyadoo Isak uu ka mid yahay bartilmaameedyada ugu waa weyn.
Sida laga soo xigtay wariyaha GiveMeSport, Graeme Bailey, Arsenal ayaa bedel ahaan u jeesan doonta dhanka weeraryahanka Sporting CP, Viktor Gyokeres, haddii Isak uu ku biiro Liverpool.