“Waa inuu si dhab ah uga shaqeeyaa difaaciisa” – Gary Neville oo sheegay in Dani Carvajal uu ka WANAAGSAN yahay Trent Alexander-Arnold, xilli xiddiga Liverpool loo diray digniin culus ka hor inta uusan ku biirin Real Madrid.
Gary Neville wuxuu aaminsan yahay in Trent Alexander-Arnold uu dhibaato kala kulmi doono helidda boos joogto ah oo uu kaga ciyaaro Real Madrid, inkastoo uu yahay ciyaaryahan aad u weerar badan.
Alexander-Arnold wuxuu ku dhow yahay inuu heshiis la gaaro Real Madrid kaddib markii uu dhammaado qandaraaskiisa Liverpool, balse Neville wuxuu shaki ka qabaa in xiddiga Ingiriisku uu leeyahay dareen difaac oo ku filan si uu guul ugu gaaro garoonka Santiago Bernabéu. Waxaa la filayaa inuu kula tartamo Dani Carvajal booska daafaca midig, waxaana halyeeygii Manchester United Neville uu aaminsan yahay in xiddiga reer Spain uu yahay ciyaaryahan dhammaystiran.
Alexander-Arnold waxaa si weyn loogu arkaa mid ka mid ah daafacyada midig ee ugu weerarka wanaagsan kubadda cagta. Xiddigan 26 jirka ah wuxuu caawiyay goolal ka badan daafac kasta oo kale tan iyo markii uu Liverpool kusoo biiray 2016, balse marar badan ayaa su’aal la geliyay awooddiisa difaac.
Dhanka kale, Carvajal waa xiddig khibrad badan leh, isagoo u soo ciyaaray Real Madrid in ka badan toban sano, wuxuuna kula guuleystay lix koob oo Champions League ah, afar horyaalka La Liga ah iyo 16 koob oo kale. Waxa uu garoomada ka maqnaa tan iyo bishii Oktoobar kaddib markii uu dhaawac daran kasoo gaaray jilibka, balse waxaa la filayaa inuu soo laabto xilli ciyaareedka cusub.
Neville, oo ka hadlayay barnaamijka Stick to Football, ee ay qabato Sky Bet, ayaa yiri:
“Waan iri marar badan, Trent waa inuu si dhab ah uga shaqeeyaa difaaciisa – hadii kale, dhibaato ayuu kala kulmi doonaa. Waxaan filayaa in Real Madrid ay dhibaato ku noqon doonto sababtoo ah waxay haystaan Federico Valverde, oo hadda ka ciyaaraya daafaca midig, iyo Dani Carvajal oo marka uu soo laabto tartan adag gelin doona. Labaduba waa ciyaaryahanno aad u wanaagsan, waxaana u fududaan doonin inuu boos joogto ah ka helo Real Madrid.”
[Markii la weydiiyay inuu Carvajal ama Valverde ka fiican yahay Trent] Neville wuxuu yiri: “Aniga ahaan, Carvajal wuxuu ka wanaagsan yahay Trent marka la isku daro difaaca iyo weerarka – inkastoo uu 32 jir yahay oo dhaawac culus soo gaaray – laakiin waxa uu u qabto kooxdiisa waa wax weyn. Waxa uu Valverde haatan u sameynayo Real Madrid waa mid layaab leh, sidaas darteed Trent wuxuu wajihi doonaa tartan adag marka uu tago.”
“Mar kale, Trent waa inuu si dhab ah uga shaqeeyaa difaaciisa, taasoo la xaqiijiyay markii sanado badan uu boos joogto ah ka waayay xulka England, sidoo kalena inta badan la beddelo marka Liverpool ay ciyaar muhiim ah ciyaareyso. Anigu weligay ma arag daafac midig la beddelo intaas oo jeer xilli ciyaarta ay meel xasaasi ah mareyso.”