Trent Alexander-Arnold ayaa looga digay inuu u wareego Madrid iyadoo xidig kale uu codsi u diray.
Mustaqbalka Trent Alexander-Arnold ayaa si aad ah diiradda u saaran bisha Janaayo, markaasoo uu awoodi doono inuu heshiis horudhac ah la galo kooxaha dibadda, oo ay ku jirto Real Madrid.
Jamie Carragher ayaa ku boorriyay Trent Alexander-Arnold inuu heshiis cusub u saxiixo Liverpool oo uu iska diido u wareegista Real Madrid. Halyeeyga Reds wuxuu rumeysan yahay in daafaca midig uu ka heli karo boos taariikhda kooxda ah haddii uu sii joogo.
“Haddii Trent Alexander uusan dan ka lahayn (sida loo xasuusto) waa hagaag, laakiin waxaan u maleynayaa haddii uu kooxda sii joogo in lagu xasuusan doono inuu yahay mid ka mid ah ciyaartoydii ugu fiicneyd ee abid u ciyaarta kooxda,” ayuu u sheegay Sky Sports.
“Haddii aan talo siinayo Trent, Waxaan dhihi lahaa saxiix heshiis, dhig qodob fasax ah oo macquul ah oo aan waalli ahayn, haddii Real Madrid ay dooneyso inay ku iibsato laba iyo toban bilood gudahood ama laba sano gudaheed.”