Xiddiga da’da yar ee Manchester United ee Alejandro Garnacho ayaa shaaciyey go’aankiisa mustaqbalka, iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in ay doonayso kooxda reer Spain ee Real Madrid oo usbuucyadii ugu dambeeyey ay saxaafaddu hadal haysay.
Madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Perez ayaa la sheegay in uu tegi doono waddanka UK oo uu magaalada Manchester kusoo daawan doono ciyaarta lugta labaad ee wareegga siddeedda Champions League ee Real Madrid iyo Man City.
Waxa inta uu Florentino Perez joogo magaalada Manchester uu la hadli doonaa Alejandro Garnacho oo uu isku dayi doono inuu ku qanciyo inuu mustaqbalka yimaaddo Real Madrid, si uu qayb uga noqdo xiddigaha waaweyn ee uu ku ururinayo Santiago Bernabeu.
Garnacho oo ku dhashay magaalada Madrid ayaa waxa uu carruurnimadiisii muddo shan sannadood ah kusoo qaatay kulliyadda da’yarta Atletico Madrid ka hor intii aanu sannadkii 2020 usoo wareegin Manchester United.
Perez ayaa la sheegay in uu kalsooni ku qabo in uu awoodi doono in uu xiddigan reer Argentina dib ugu soo celin doono caasimadda Spain ee Madrid.
Sida uu sheegay wariyaha wargeyska TYC Sport ee Gaston Edul, Garnacho ayaa dhinaciisa caddeeyey in aanu doonayn in uu waqtigan tago Real Madrid, sababtuna waa inuu isku arko inay xirfaddiisa ciyaareed bilow tahay oo uu marka hore u baahan yahay inuu dhiso tayadiisa.
Wariyaha ayaa intaa ku daray, in Real Madrid ay tahay kooxda uu ku riyoonayo Garnacho inuu mustaqbalkiisa mar uun ka ciyaaro, laakiiin xilliga hadda ay kooxdaasi doonayso ay waqti hore tahay, waxaanu ka baqayaa inuu boos joogto ah ka waayo, taasina wiiqdo korriinkiisa ciyaareed.