Kabtankii hore ee England Alan Shearer ayaa sheegay in weeraryahanka Aston Villa Ollie Watkins ay tahay “inuu xanaaqo” ka dib markii lagu soo bilaabi waayay kulankii England ee UEFA Nations League ee Greece iyadoo Harry Kane uu dhaawac ku maqnaa.
Tababaraha ku meel gaadhka ah ee Lee Carsley ayaa go’aansaday inuusan ku soo bilaabin Watkins wuxuuna isticmaalay shax aan lahayn weeraryahan toos ah. Watkins ayaa badel ku soo galay daqiiqadii 60-aad markaasoo England lagu lahaa 1-0.
Shearer ayaa aaminsan in Watkins, oo qaab ciyaareed fiican kusoo bandhigay kooxdiisa, ay tahay inuu ka niyad jabo inuusan helin fursad uu ku soo bilowdo, gaar ahaan iyadoo Kane uu maqnaa. Shearer xitaa wuxuu soo jeediyay Watkins inuu kala hadlo tababaraha sidii uu u heli lahaa door bilow ah ciyaaraha soo socda.
Gary Lineker, oo ah daadihiyaha podcast-ka The Rest Is Football, ayaa waydiiyay Alan Shearer in ciyaartoydu ay si dhab ah ula xiriiraan tababarayaasha, taas oo Shearer uu ku jawaabay in uu sidaas sameeyn jiray markii uu yaraa. Waxa uu sheegay in aanay waxba yeeleynin tababaraha in la wareysto oo lala hadlo, gaar ahaan marka taatikada tababaraha aanay shaqayn, sida kiiskii guul-darradii Giriigga.
Shearer waxa uu qiray in Carsley uu shaqo adag hayo maadaama uu leylinayo ciyaartoy badan oo tayo leh oo aan la kala dooran karin, isaga oo is barbar dhigay xaaladdii madax xanuunka ahayd horraantii sanadkii 2000 markaas oo England heysatay Paul Scholes, Steven Gerrard iyo Frank Lampard.