Ajax ayaa ka fiirsaneysa inay Jordan Henderson u magacowdo kabtanka cusub ee kooxda, sida ay sheegayaan wararka, inkastoo xiddiga heerka caalami ee dalka England uu labo kulan kaliya u saftay kooxdiisa cusub ilaa haatan.
Kooxda reer Holland ayaa dhamaystirtay saxiixa Henderson bishii hore kadib markii uu kansalay heshiiskii uu kula joogay kooxda Saudi Pro League ka dhisan ee Al Ettifaq.
Sida laga soo xigtay The Athletic, Henderson waxaa ku adkaatay nolosha Saudi Arabia ka dib markii uu ku biiray kooxda Steven Gerrard, wuxuuna ka tagay Al Ettifaq xilli ay dhexda uga jireen seddex bilood oo guul la’aan ah.
33-sano jirkaan ayaa wacdaro ka dhigay kooxdiisa cusub ee Ajax inkastoo kooxdu ay barbaro gashay mid ka mid ah labadii kulan uu u dheelay.
Henderson waa ciyaaryahanka ugu khibrada badan kooxda oo ay ka buuxaan ciyaaryahano da’ yar isagoo la filayo inuu tusaale u noqdo ciyaartoydaan inta uu joogo garoonka Johan Cruyff Arena.
Daily Mirror ayaa sheegtay in 33-sano jirkaan lagu wado in loo magacaabo kabtanka kooxda inkastoo tababaraha Ajax John van’t Schip uu xaqiijiyay in Steven Berghais uu si ku meel gaar ah u noqon doono kabtanka madaama uu Steven Bergwijn dhaawac ku maqan yahay.
Si kastaba ha ahaatee, isla majaladda ayaa sheegtay in Ajax ay ka fiirsaneyso inay Henderson si joogta ah uga dhigto kabtanka madaama uu saameyn wanaagsan ku yeeshay qolka labiska kooxda.