Sergio Aguero ayaa lagu soo waramayaa in uu dacweeyay kooxdiisii hore ee Barcelona kadib markii uu sheegay inuu ka doonayo lacag dhan 3 milyan oo doolar oo mushaar la’aan ah.
Xiddiga reer Argentine ayaa ku biiray kooxda Barcelona xagaagii 2021 laakiin waxa uu ku qasbanaaday in uu ka fadhiisto dhawr bilood kadib xanuun dhanka wadnaha ah.
Aguero ayaa heshiis la galay kooxda si uu u soo afjaro heshiiskiisa wakhti hore laakiin haatan waxa uu gudbiyay dacwad uu ku sheegay in uu kooxda ku leeyahay lacag mushaar gaareysa 3 Millilon sida ay sheegtay ESPN.
War qoraal ah oo ka soo baxay Barcelona ayaa lagu sheegay in
“ ciyaaryahankii hore ee kooxda Sergio Agüero gudbiyay dalab 3 milyan euro, taasoo uu ku sheegay in uu ku leeyahay Barcelona isaga oo qayb ka ah heshiiska uu ku joojinayo qandaraaskiisa kooxda.
“Laga bilaabo Juun 21, 2024, ma jirin wax heshiis ah oo ay gaareen labada dhinac. Naadigu hadda waxa uu sugayaa sheegashada Aguero in maxkamad maxalli ah ay maamusho si ay hore ugu socoto.”
Barcelona iyo Aguero waa inay hadda sugaan go’aanka maxkamadda,si go’aan degdeg ah looga gaaro arrintiisa. Barcelona waxey la dhibtooneysaa xaalad adag oo dhanka dhaqaalaha ah.