Alvaro Morata ayaa lagu soo waramayaa inuu tijaabada caafimaadka u mari doono Milan berri, laakin agaasimayaasha Rossoneri ayaa goor hore ka degay caasimadda Spain.
Morata ayaa qarka u saaran inuu noqdo ciyaaryahan cusub oo Milan ah, iyadoo agaasimayaasha Rossoneri ay durbaba gaaray Madrid si ay u dhameystiraan heshiiska.
Milan waxa ay bixin doontaa 13 milyan oo euro oo lagu burburin karo heshiiska Morata
Morata ayaa tijaabada caafimaad ugu ku mari doona kooxda Serie A Magaalada maalinta berri oo Arbaco ah.
Warfidiyeenada talyaaniga ayaa sheegaya in weeraryahankii hore ee Juventus uu saxiixi doono heshiis afar sano ah oo uu ku jiro doorasho kale.
Waxa uu heli doonaa €5 milyan xilli ciyaareedkii oo lagu daray waxyaabo dheeraad ah.
31 jirkaan ayaa aadi doona fasax ka dib markii uu soo gabagabeeyo ku biiristiisa Milan, waxaana la filayaa inuu ku biiro asxaabtiisa kooxda ka dib safar saaxiibtinimo oo ka dhacaya USA 25-ka july ilaa 7 August.
Morata ayaa dhaliyay 21 gool 48 kulan oo uu u saftay tartamada oo dhan Atletico Madrid xilli ciyaareedkii hore waxana uu haatan qaaday koobka Euro isagoo ah kabtanka Spain.