Isku Shaandheynta Ciyaartoyda
Eedeyntii ugu weyneyd ee uu Arteta wajahay xilli ciyaareedkii hore waxay aheyd inuu inta badan ku tiirsanaa shaxdiisa ugu fiican taasoo keentay dhaawacyo tiro badan iyo daal dhamaadkii ciyaarta. Tababaraha reer Spain ay diiday inuu qaladkaas mar kale ku celiyo isagoo shan ciyaaryahan nasasiiyay kulankii xalay ee Luton.
Xiddigo muhiim ah sida Bukayo Saka, Gabriel Martinelli, Jakub Kiwior, Jorginho iyo Gabriel Jesus ayaa nasasiino ay u baahnaayeen la siiyay iyadoo jadwalka uu ciriiri yahay. Kaliya intaas ma ahn ciyaartoyda sida Emile Smith Rowe, oo labada gool ku lug lahaa, Thomas Partey iyo Zinchenko ayaa iyagana helay daqiiqado ay ku ciyaaraan.
Weerarkii Arsenal Oo Soo Laabtay
Difaacii ay xiratay Arsenal kulankii City waxay lama filaan ku aheyd dad badan, laakiin xalay Arsenal waxay la soo baxday ciyaarteedii looga bartay, iyadoo Arteta uu soo safay ciyaartoy farsamo leh. Ciyaartoyda sida Leandro Trossard, Reiss Nelson, Odegaard iyo Smith Rowe ayaa si joogta ah u kala dhantaalayay ciyaartoyda Luton, taasoo ka saaciday iany si fudud uga badiyaan.
Kubad Raacasho Joogta Ah
Gunners waxaa lagu eedeeyay inay bas ku xirteen goolkooda kulankii City ee todobaadkii hore laakiin kulankii xalay ee Luton waxay la soo baxeen kubad raacasho joogta ah oo aan waqti ay ku fekeraan la siineynin ciyaartoyda Luton. Waxay abaalmarin ahaan ku heleen markii Smith Rowe uu kubad ku soo ceshtay raacashadaas islamarkaana uu ku ciqaabay Luton.
Darbi Adag Oo Aan La Gudbi Karin
Marka William Saliba, Ben White iyo Gabriel Magalhaes ay wada ciyaarayaan, wax fiican ayay Gunners heshaa mar walba. Seddex ciyaaryahan waxay si wadajir ah u dheeleen inta badan kulamada xilli ciyaareedkan iyadoo Arsenal ay heysato rikoodhka daafaca ugu fiican Premier League xilli ciyaareedkan.
Inuu seddexdaan isku hayo waxay la micno aheyd in Arteta uu xoriyad u helay inuu ciyaartoyda inta kale isku shaandheeyo isagoo aan ka baqeynin in shabaqiisa la soo taabanayo. Ciyaarta oo dhan waxaa lagu helay kaliya labo darbo, waana kulankii 13aad oo shabaqa ilaashadaan.