Garabka kooxda Fulham Adama Traore ayaa sheegay wixii uu la wadaagay tababaraha kooxda Man City Pep Guardiola, kadib kulankii Fulham ay kula ciyaartay Etihad kooxda Man City.
Ciyaar ay Man City iska caabin iyo weerar badan kala kulantay kooxda Fulham, xili Man City goolka lagala hormaray kadib intii aanu Kovacic laba goal oo isxigay hogaanka ugu dhiibin Man City, ugu danbeyntiina ay City guushu ku raacday 3-2 oo ay kaga adkaatay Fulham.
Guardiola ayaa la arkayey dhamaadkii ciyaarta isaga oo talo siinaya garabka Fulham ee Adama Traore, Adama oo Guardiola garanaya wakhtigiisi Barcelona ayaa sheegay in Guardiola uu siiyey dhiirigelin kulanka kadib isla markaana uu kala taliyey sidii uu u dhamaystiri lahaa fursadaha uu ku helay goolka hortiisa ee uu khasaariyay.
28 jirkan ayaa Guardiola ku sheegay tababareha ugu fiican kubada cagta.
“Waa tababareha ugu fiican caalamka, shaki la’aan, kulanka kadib wuu ii yimi wuxuuna ii sheegay inuu ahaa kulan fiican, wuxu i siiyey talooyin ah sida aannu dhamaystiri karo fursadihii aan iyaga ku helay.
Guardiola ayaa kulanka kadib yidhi” Adama wuxu ahaa mid aan la joojin karin kulankaas, ma aanu xakamayn karin marka uu kubada heysto, waa inaad difaacataa goolkaaga”.