NICO PAZ ayaa qirtay inuu aad uga xishooday inuu la hadlo Lionel Messi markii uu tababarkii ugu horeeyay la qaatay.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa kulankiisii ugu horeyay u saftay Argentina bishii October ciyaar ka tirsan isreebreebka Koobka Adduunka 2026.
Paz, oo 20 jir ah, ayaa caawiye ka ahaa gool Messi dhaliyay kulankiisii ugu horeeyay xulka.
Messi waxa uu sheegay in xiddiga Como uu leeyahay faham badan oo uu ku aqrin karo ciyaarta, isagoo u rajeeyay horumar badan wiilak yar ee mustaqbalka leh.
Wuxuu rajeynayaa inuu sidaan kusii socdo, Messi ayaa yiri kadib markii wax laga weydiyay Nico Paz oo ka garab ciyaaray markii ugu horeysay.
Ciyaayahanka khadka dhaxe ee Paz oo dhawaan loogu yeeray xulka Argetine, wuxuu yiri” runtii tababarkii ugu horeeyay ee Messi aan la qaato lama hadlin isaga” aad ayaan kaga xishoonayay” waa ciyaaryahan heer caalami ah.