Sanadkii 2023, kooxda Barcelona ayaa xiiseynaysay laacibka khadka dhexe ee reer Dutch, Tijjani Reijnders, iyagoo u arkayay inuu noqon karo bedelka Sergio Busquets. Si kastaba ha ahaatee, heshiiskaasi ma hirgelin, waxaana Reijnders ugu dambeyn uu ku biiray kooxda AC Milan.
Aabihiis, Martin Reijnders, ayaa shaaca ka qaaday inuu kula taliyay wiilkiisa inuu diido dalabka Barcelona, maadaama uusan u arkin inay tahay waqtigii ku habboonaa xirfaddiisa ciyaareed inuu ka ciyaaro Barcelona. Wuxuu ka walaacsanaa in hab ciyaareedka Tijjani uusan la mid ahayn kan Busquets, taasoo keeni kartay fursad yar oo uu ku helo boos joogto ah.
Martin ayaa sheegay in wadahadallo dhex mareen isaga iyo agaasimaha isboortiga ee Barcelona,Deco, ay kusoo dhammaadeen guuldarro maadaama uu wiilkiisa kala cabsaday in keyd uu galo taasoo keeni kartay xilli adag oo xirfadiisa ah.
Aabuhu wuxuu ku adkeystay inay u fiicneyd in Tijjani iska diido kooxda Barcelona si uu uga fogaado dhibaatada ku dhacday ciyaartooy kale oo badan oo ku fashilmay kooxda kadib marka ay ku biireen. Arrintani waxay sababtay inuu doorto kooxda AC Milan halkii uu ka aadi lahaa Barcelona.