Go’aanka ku saabsan mustaqbalka ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Sociedad Mikel Merino lama gaari doono ilaa xagaagan laga soo gaba gabeeyo Koobka Qaramada Yurub, sida uu sheegay aabaha dhalay 28 jirka reer Spain.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa goolkii guusha u dhaliyay Spain fiidnimadii jimcaha isagoo u diray La Roja semi-finalka Euro 2024.
Hadda waxaa jira warar badan oo ku saabsan mustaqbalka Merino, iyadoo Barcelona la rumeysan yahay inay dooneyso inay hesho adeegiisa inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.
Heshiiska Merino uu hadda kula jiro Real Sociedad ayaa dhacaya xagaaga soo socda, tababaraha cusub ee Barcelona Hansi Flick ayaa la filayaa inuu u arko ciyaaryahanka ugu fiican ee kor u qaadi kara khadka dhexe ee ololaha 2024-25.
Si kastaba ha ahaatee, go’aanka mustaqbalka Isbaanishka lama gaari karo ilaa Euro 2024 uu dhamaado, iyadoo La Roja ay haatan isku diyaarineyso inay ka hortagto France kulanka semi-finalka isbuuca soo socda.
Angel Merino oo ah aabaha Mikel Merino ayaa yiri.
“Mikel waxa uu horeba u sheegay si firfircoon oo niyad leh in ilaa Spain ay soo dhameysanayso ka-qaybgalkeeda Euro 2024, aanu wax kale ka hadli doonin,”
Angel Merino, oo si xirfadaysan u ciyaaray intii u dhaxaysay 1986 iyo 2003, ayaa u sheegay El Chiringuito.
“Waxa uu doonayaa in uu ka hadlo oo kaliya koobka qaramada yurub, ka dibna waxa uu la hadli doona wakiilkiisa iyo kooxdiisa iyo cid kasta oo uu la hadlayo si uu u xaliyo mustaqbalkiisa”.
Merino ayaa qaab ciyaareed fiican la qaatay kooxda Real Sociedad intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2023-24, isagoo dhaliyay sideed gool, islamarkaana shan caawin sameeyay 45 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.
Dhanka kale, waxa uu u matalay kooxdiisa Basque 242 jeer tan iyo markii uu kaga soo biiray Newcastle United bishii July 2018, isagoo dhaliyay 27 gool, waxaana loo diiwaan geliyay 30 caawin.
Manchester United iyo Manchester City ayaa sidoo kale la rumeysan yahay inay si weyn u doonayaan Merino, kaasoo loo arko khad dhexe oo jaban inta lagu jiro suuqa xagaaga.
Spain Semi-finalka waxay waayi doonta Pedri uu dhaawac ku maqnaanaya, halka Dani Carvajal iyo Robin Le Normand ay labaduba ganaax ku maqnaan doonaan.
Sidaas daraaded xiddigan fursad ayuu u heli kara inuu kusoo biloowdo kulanka semi-finalka.