Kooxaha horyaalka waddanka Sucuudiga ayaa isku diyaarinaya xagaa kale oo ay lacago tiro badan ku khalkhaliyaan suuqa iibka ciyaartoyda, si la mid ah xagaagii hore oo ay xiddigo waaweyn iibsadeen.
Cristiano Ronaldo ayaa ahaa ibo-furka kacdoonka ciyaareed ee horyaalka waddanka Sucuudiga, waxaana uu halkaas ka degay January 2023, halka xagaagiina ay ka daba tageen xiddigo waaweyn oo kale sida Karim Benzema, N’Golo Kante, Sadio Mane, Roberto Firmino, Riyad Mahrez, Aymeric Laporta, Ivan Rakitic iyo kuwo kale.
Bisha June ayaa uu si rasmi ah u furmi doonaa suuqa iibka ciyaartoyda ee adduunyada oo dhan,w axaana waqtigaas ay kooxaha sucuudigu farraqi doonaan lacaog badan iyagoo haddaba sii calaamadsaday xiddigaha ay doonayaan, laakiin sida la filayo waxa ay doorkan ku shaqayn doonaan istraatiijiyad soo-jiidasho leh oo abuuraysa in ciyaartoyda waaweyn ay ogolaadaan inay tagaan Sucuudiga.
Kooxaha Al-Hilal, Al-Nassr, Al-Ittihad, Al-Ahly iyo Al-Qadisiah ayaa la sheegay in ay doonayaan xiddigo waaweyn oo reer Yurub ah, waxaana ku jira Mohamed Salah, Kevin De Bruyne, Robert Lewandowski, Bruno Fernandes iyo kuwo kale.
Waxa kale oo xiddigaha ay kooxaha Sucuudigu doonayaan ee waliba koox la’aanta noqonaya ku jira Luka Modric oo qandaraaskiisa Real Madrid uu ku egyahay dhamaadka xilli-ciyaareedka, David de Gea oo koox la’aan ahaa illaa xagaagii iyo Casemiro.