Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Liverpool ee Harvey Elliott ayaa rumaysan, in ay kooxdiisu maanta garaaci doonto Manchester City oo ay dib ugu soo laaban doonaan hoggaanka horyaalka Premier League ee ay shalay sida ku-meelgaadhka ah ula wareegtay Arsenal.
Harvey Elliott ayaa sheegay in kooxdiisu ay haysato hal arrin oo ay dheer tahay City oo ka caawinaysa inay guuleystaan, waana garoonka Anfield iyo jamaahiirta xamaasadda badan oo ay ka filayaan in ay sawaxankooda ku riixi doonaan koodooda.
Ciyaarta maanta ayaa ah tii ugu dambaysay ee horyaalka Premier League ay iskaga hor yimaaddaan Jurgen Klopp iyo Pep Guardiola, maadaama uu Klopp ka tegi doono Liverpool dhamaadka xilli-ciyaareedkan, waxaanay ciyaartoyda Reds halgan u geli doonaan sidii ay kooxdooda hadiyad uga dhigi lahaayeen guul ayka keenaan kulankan.
Harvey Elliott oo warbaahinta la hadlay ka hor ciyaarta maanta ayaa waxa uu ammaan kula dul-dhacay labada tababare ee Jurgen Klopp iyo Pep Guardiola, waxaanu yidhi: “Waa laba tababare oo heer-caalami ah oo iska hor imanaya. Laakiin waad ogtihiin in aanu joogno hoygayagii oo ay taageereyaashayadu na garab taagan yihiin.
“Si dhab ah ayay noo garab istaagayaan laga bilaabo waqtiga iskululaynta, mana jirto meel ka wanaagsan oo lagu ciyaaro kulanka ugu dambeeya, markaa waa in aanu diyar u ahaano.”
20 jirkan oo sharraxaya awoodda Man City iyo waxa ay filayaan ayaa yidhi: “Waad ogtihiin City, waana ciyaar adag oo aannu annaguna ognahay Waa in aanu diiradda saarno oo aanu in badan ka fikirno ciyaartan.
“Waxa aanu u baahanahay in aanu u ciyaarno sida aanu doonayno, qaabkayaga aanu ku dheelno iyadoo Anfield uu na caawinayo. Waa caawimo weyn oo aanu u baahanahay.”