Xiddiga khadka dhexe ee reer England ee Phil Foden oo 23 jir ah ayaa wada-hadallo uu heshiis cusub ugu saxeexayo kula jira kooxdiisa, kaas oo laga yaabo inuu ku noqdo ciyaartoyga ugu mushaharka badan kooxdaas. (Football Insider)
Manchester City ayaa noqotay kooxdii ugu dambaysay ee lala xidhiidhinayo weeraryahanka reer Portugal ee Pedro Neto oo ah 23 jir ay hore u doonayeen kooxaha Liverpool, Newcastle iyo Arsenal, waxaana lagu heli karayaa £60 milyan oo Gini oo ay Wolves ku xidahyso kooxaha doonaya. (Telegraph)
Manchester United waxay doonaysaa inay difaac bidix oo da’yar ah la saxeexato xagaaga, waxaana ay hadda kala xulanaysaa liiska dhawr laacib oo ay diiraddoodu saaran tahay. (Fabrizio Romano)
Manchester United waxa kale oo ay kula tartamaysaa Real Madrid difaaca dhexe ee reer France ee Leny Yoro oo ah 18 jir u ciyaara Lille oo lagu heli karayo £41 milyan oo Gini. (Teamtalk)
Tottenham ayaa ka fiirsanaysa inay ku biirto tartanka ay Arsenal iyo Chelsea ugu jiraan weeraryahanka reer Spain ee Nico Williams oo 21 jir ah. (Mirror)
Chelsea ayaa quus ka taagan xiddigeeda khadka dhexe ee Conor Gallagher oo iska diiday inuu heshiis cusub u saxeexo. 24 jirkan ayaa la filayaa inuu ka tago Blues oo xaaladdeeda dhaqaale adag tahay. (Football Insider)
Liverpool iyo Arsenal ayaa go’aansaday inay mid walba ku tartanto khadka dhexe ee reer Portugal ee Joao Palhinha, laakiin 28 jirkan ayaa la filayaa inuu tago Bayern Munich oo uu u dhowaaday inuu ka dego xagaagii. (Teamtalk)
Brentford ayaa la filayaa inay hoos u dhigto qiimaha ay ku xidhay iibka weeraryahanka reer England ee Ivan Toney oo ay doonayaan kooxaha Arsenal iyo Chelsea. (Mirror)
Paris Saint-Germain ayaa 200 milyan oo Euro oo u dhiganta £170 milyan oo Gini waxa ay dul-dhigtay garabka weerarka Barcelona ee Yamine Lamal oo 16 jir ah, laakiin kooxda reer Spain ayaan doonayn inay iibiso waqtigan. (Marca(