Kai Havertz ayaa ka sheekeeyay sida ciyaartoyda Arsenal ay niyada ugu dhiseen goolhaye Aaron Ramsdale ka dib qaladkii uu sameeyay kulankii Brentford.
Gunners ayaa guul 2-1 ah ka gaartay Brenford iyagoo haatan ku fadhiya hogaanka Premier League ka hor kulanka Liverpool iyo Manchester City ee maanta.
Declan Rice ayaa hogaanka u dhiibay kooxda Mikel Arteta laakiin Aaron Ramsdale ayaa dhamaadkii qeybta hore ka daahay inuu iska bixiyo kubad baas ah oo loo celiyay, waxaana kubada isku dhigay Wissa iyadoo ay shabaqa ku nasatay.
Laakiin Arsenal ayaa barbaro niyadjab ah ka badbaaday markii Kai Havertz uu madaxa ku dhaliyay goolka guusha dhamaadkii ciyaarta.
Ka dib ciyaarta, Havertz ayaa la hadlay Sky Sports wuxuuna ka sheekayay sida qolka labiska Arsenal ay u dhiirogeliyeen Ramsdale madaama uu dhamaadkii qeybta hore ee ciyaarta sameeyay qalad weyn.
“Ma aheyn wax fiican gaar ahaan iyadoo goolka uu inaga dhashay dhamaadkii qeybta hore” ayuu yiri Havertz.
“Laakiin dhamaanteen waan isla hadalnay, waana is dhiirogelinay sababtoo ah uma aanan qalmin in goolka naga dhashay laakiin qaladaadka waa qeyb ka mid ah ciyaarta. Anigaba qaldaad yaryar ayaan sameeyay oo goolal keeni karay sidaasi darteed waxaan dooneynay inaan dhanka kale u rogno. Waan iska hadalnay, waxaana soo bandhignay niyad wanaag.”