Chelsea ayaa si qariib ah u taageereysa Newcastle xilli ciyaareedkan madaama ay lacag uga xiran tahay islamarkaana ay u baahan yihiin inay isku dheelitiraan buugoda xisaabta.
Taageerayaasha Blues ma taageeri doonaan Newcastle habeenka Isniinta marka ay labada kooxood iska horyimaadaan, laakiin waxay ku duceysan doonaan in Newcastle ay horyaalka ku dhameysato meel ka sareysa kaalinta 15aad.
Waxaa taas sabab ah qodob ku jiray hishiiskii uu Lewis Hall ugu tagay Chelsea kuna biiray Newcastle xagaagii.
19 jirkaan ayaa hishiis amaah ah oo ku kacay 4 milyan ginni ugu wareegay Newcastle kuwaasoo ku qasban inay ku iibsadaan 24 milyan ginni xagaagan.
Laakiin hishiiska joogtada ah lama dhameystirin weli iyadoo ay ku xiran tahay halka ay Newcastle ku dhameysato horyaalka, sida ay qortay The Telegraph.
Waxay u baahan yihiin inay xilli ciyaareedka ku dhameystaan meel ka sareysa kaalinta 15aad si hishiiska uu u dhaqangalo.
Chelsea ayaa si weyn ugu baahi qabta in saxiixa Lewis Hall uu dhameystirmo madaama cadaadis dhaqaale uu saaran yahay.
Milkiile Todd Boehly ayaa u baahan inuu isku dheelitiro buuga xisaabta Chelsea xagaagan si uusan u jabinin sharciga dhaqaale wanaaga Premier League.
24ka milyan ee lagu iibsanayo Hall, waxaa loo xisaabin doonaa boqolkiiba 100 faa’ido madaama uu yahay xiddig ka soo baxay akadeemiga kooxda oo aan lacag lagu soo iibsanin.
Newcastle haatan waxay ku jirtaa kaalinta 8aad, waxayna 14 dhibcood ka sareeyaan kooxda kaalinta 15aad ee Brentford.
Hall ayaa kaliya 11 kulan u ciyaaray kooxda tababare Eddie Howe xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan.